Barcelona ayaa ku guuldarreysatay muran dhanka sharciga ah oo kala dhexeeyay Zenit. Barcelona waxay ahayd inay hesho gunno marka Zenit ay u soo baxdo Champions League, waase haddii uu Malcom ciyaaro kala badh kulamadooda horyaalka.
Si kastaba ha ahaatee, Zenit ayaa ku dooday in kooxaha Ruushka laga reebay tartanka Champions League kadib ganaaxii UEFA. Waxey Zenit ku andacootay in kooxaha Russia ay tahay in laga dhaafo lacagaha gunnada ah. Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Ciyaaraha (CAS) ayaa u xukuntay Zenit in laga cafiyo lacagtii €490, 000 ee gunnada Barcelona ay heli laheyd.
Dhanka kale, Barcelona ayaa lagu wadaa inay FIFA ka hesho 6.92 milyan oo Yuuro oo magdhow ahaan loo siin doono Gavi kadib dhaawacii soo gaadhay intii uu u ciyaarayay Spain.
FIFA waxay magdhow siisaa naadiyada dhaawacyada soo gaara inta lagu guda jiro waajibaadka caalamiga ah, ilaa lacag dhan 7.5 milyan euro sanadkii. Magdhawga dhaawaca Gavi ayaa u dhow xadkan, maadaama uu garoomada ka maqnaa ku dhawaad mudadii xaq u lahaanshiyaha lacagta magdhowga.
Barcelona ayaa aad u xiiseyneyso ku soo laabashada Gavi ee garoomada, maadaama joogistiisu ay si weyn u saameyn karto waxqabadkooda tartamada gudaha iyo Yurub labadaba.