Tababarihii hore ee kooxda Liverpool,Jurgen Klopp, ayaa loo dhiibay shaqo cusub oo ah madaxa ciyaaraha ee kooxaha shirkadda Red Bull. Wuxuu ka caawin doonaa kooxaha Red Bull sida RB Leipzig, Red Bull Salzburg, iyo New York Red Bulls xagga tababarka, horumarinta ciyaartoyda, iyo indha-indheynta ciyaartooyda da’yarta .
Klopp ayaa shaqadan bilaabaya kowda January ee sanadka 2025, wuxuuna la shaqayn doonaa agaasimayaasha si uu u horumariyo kooxahaas, laakiin ma shaqayn doono maalin kasta, taasoo u ogolaanaysa inuu wakhti badan la qaato qoyskiisa.
Heshiiska haatan uu la gaaray shirkadda Redbull ayaa dhigaya in Klopp uu ka tagi karo shaqada Hadii xulka qaranka Germany (DFB) uu doonayo inuu noqdo macalinkooda.Tani ayaa keliya dhici karta haddii tababaraha haatan ee Jarmalka, Julian Nagelsmann, uu baxo ka hor inta uusan dhammaan qandaraaskiisa sanadka 2026.
Klopp ayaa sheegay in laga yaabo inuu ka fikiro inuu tababare u noqdo Jarmalka hadii ay ceyriyaan tababarahooda hadda mustaqbalka.
Red Bull ayaa aad ugu faraxsan in Klopp uu kamid noqdo maamulka kooxahooda. Oliver Mintzlaff, oo ah madaxa fulinta ee Red Bull, ayaa Klopp ku tilmaamay mid ka mid ah dadka saamaynta badan kubbada cagta, wuxuuna aaminsan yahay inuu wax wayn ka bedeli doono kooxahooda kubbada cagta.
Klopp ayaa si rasmi ah loogu soo bandhigi doonaa shir jaraa’id bisha Janaayo ee sanadka cusub.