Taageerayaasha Liverpool ayaa ku ammaanay kaalintii Joel Matip ee Anfield ka dib markii uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka fariistay kubadda cagta, isagoo ka tagay kooxda xagaagan.
Liverpool ayaa soo saartay bayaan ay ku maamuusayaan daafaca reer Cameroon, waxaana dib loo soo celiyey hadallo uu horay u sheegay tababarahii hore ee kooxda, Jurgen Klopp. Klopp ayaa ku tilmaamay Matip “nin cajiib ah” oo “laga jeclaa” Liverpool.
“Waqtiyadii aan ku jiray kubadda cagta, ma hubo in aan la kulmay ciyaaryahanno badan oo aan ka jeclaa Joel Matip,” ayuu yiri Klopp. “Xitaa ma hubo in wax xun laga sheegi karo isaga.
“Waxaa uu ahaa xirfadle wanaagsan, kubbadsameeye heer sare ah, iyo qof aad u wanaagsan – waxay noo aheyd wakhti farxad badan intii aan isaga la joognay, waxaanan u rajeynaynaa wanaag isagoo u jihaysanaya dariiq cusub. Ma hubo inuu kasoo muuqday cinwaanada waaweyn ee wargeysyada sannadihii la soo dhaafay, laakiin wuxuu marwalba caan ka ahaa kooxdeena dhexdeeda.”
Hadalka Klopp ayaa soo jiitay taageerayaal badan oo kamid ah Liverpool.