Maamulayaasha Premier League iska jira, waxaa soo baxday sheeko khuraafaad ah oo la xiriirta in tababaraha Arsenal Mikel Arteta uu xirtay dhar isku mid ah tan iyo guushii 4-2 kooxdiisa ka gaartay Aston Villa 18kii Febraayo ee sanadkaan.
Arsenal, ayaa 9 dhibcood ka dambeysa hogaamiyaasha horyaalka Premier League ee Liverpool, iyadoo kaliya 11 kulan laga ciyaaray xili ciyaareedka.
Waxa ay isku dayi doonaan oo ay sii wadi doonaan tartankooda horyaalka Guuners, iyagoo kulanka soo socda ku wajahaya Nothingham Forest.
Isagoo la hadlayay Telegraph ka hor kulanka isbuucaan, waxa uu ka hadlay dabeecadiisa khuraafaadka la xiriirta ee dharka uu xirto kulan kasta.
“Marka aan guuleysaneyno, ma jecli inaan bedelo dharkayga, waxaan jeclahay inaan sii wado shey kasta, surwaalka iyo xitaa kabaha, Haddii aan guuldarraysano, waxaan u beddelaa si guuldarrada isku bedesho.
Arinkaan la xiriira Arteta iyo labiskiisa isku midka ah ee uu xirto kulan kasta ayaa salka ku heysa waxyaabo khuraafaad ah oo ay aaminsan yihiin qowmiyada uu kasoo jeeda ee reer Spain.
Aqriste ma is weydiisay wali muxuu Arteta u xirtaa hal shay kulan kasta oo uu hogaaminayo kooxda Arsenal? Maxaase kusoo baxay oo jawaab ah?