Daafaca bidix ee Bayern Munich Alphonso Davies ayaa ka mid noqday liiska xiddigaha Barcelona ka dooneyso suuqa soo socda, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay majalada Sports.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Canada, ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda ay xafiiltamaan Barcelona ee Real Madrid, inkastoo hadal heynta ku aadan u dhaqaaqistiisa Bernabeu ay hoos u dhacday bilihii lasoo dhaafay.
Qandaraaska Davies ee Bayern wuxuu dhacayaa xagaagan, Madrid-n waxay kordhisay qandaraaska daafaca bidix ee Ferland Mendy oo kooxda lasii joogi doona 2027.
Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, 23-sano jirkaan wuxuu si xor ah ugu biiri kara kooxda Hansi Flick ee Barca oo hogaanka La Liga seddex dhibcood ku heysa ka dib markii ay badiyeen sideed ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu horeyay xili ciyaareedka.
Dhibaatada dhaqaale ee Barca soo wajahday sanadihii ugu dambeeyay ayaa keentay in kooxda reer Catalonia ay heshiisyo raqiis ah ka raadiso suuqa, Davies ayaa hadda qorshahooda kujira.
Imaatinka Davies Barcelona ayaa xoojin doona awooda difaaca bidix ee kooxda Flick, iyadoo kaliya Alejandro Balde oo 22 jir ah uu Kali ku yahay booskaas.