Halyeeyga Arsenal, Paul Merson, ayaa ku adkeystay in Chelsea ay tahay in loo tixgeliyo tartamayaasha hanashada horyaalka Premier League, iyadoo ay weheliyaan Arsenal iyo Liverpool.
Chelsea ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka, iyadoo saddex dhibcood ka dambeysa Liverpool oo hal kulan baaqi u ah. Kooxda uu hoggaamiyo Enzo Maresca ayaa waxay u suurto gali kartaa inay hoggaanka qabtaan Axadda haddii ay guul ka keenaan Everton.
Arsenal ayaa sabtidii usoo jirsatay hal dhibic Chelsea, kaddib markii ay 5-1 ku garaaceen Crystal Palace.
Inkasta oo Chelsea ay boos wanaagsan ku jirto, xogta ay bixisay Opta waxay fursad aad u yar siineysaa Blues si ay u hantaan horyaalka.xogta ayaa ah kaliya 5.8%. Liverpool ayaa hoggaaminaysa fursadaha ku guuleysiga horyaalka iyagoo leh 80.2%, halka Arsenal ay heleen 13.2%.
Merson, oo ka hadlayay Sky Sports, ayaa yiri:
“Runtii, boqolkiiba 5.8 waa inay sare u kacdaa, wax kasta oo dhaca. Waa wax aan macquul ahayn. Arsenal waa qeyb ka mid ah tartanka, laakiin Chelsea waa inay helaan boqolkiiba ka badan 5.8.”
Hadalka Merson ayaa muujinaya inuu rumeysan yahay in Chelsea ay leedahay fursado fiican, inkasta oo ay aad uga hooseyso qiimeynta lagu sameeyay tartanka horyaalka.