Xiddigii hore ee Chelsea, Chris Sutton, ayaa saadaaliyay in Arsenal ay garaaci doonto Manchester United kulanka Premier League ee Axadda.
Man United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku martigelin doonta Arsenal fiidnimada Axadda kulan ka tirsan Premier League.
Red Devils ayaa kulankan soo galaysa iyagoo barbaro 1-1 ah la soo galay Real Sociedad tartanka Europa League bartamihii todobaadkan.
Dhanka kale, Arsenal ayaa xasuuqday PSV iyagoo ku garaacay 7-1 tartanka Champions League.
Isaga oo la hadlayay BBC Sport, Sutton ayaa taageeray kooxda Mikel Arteta inay 1-0 ku garaaci doonto United.
“Hubanti ahaan waxaan qabaa in Arsenal ay dariiq heli doonto,” ayuu yiri Sutton.
“Mar kale todobo gool ma dhalin doonaan, laakiin kulankani wuxuu leeyahay calaamado muujinaya inuu ku dhammaan doono 1-0 oo ay Arsenal ku badin doonto.”
Markii ugu dambeysay ee labada kooxood ay ku kulmaan Premier League waxay ahayd December iyadoo Arsenal ay 2-0 ku garaacday United garoonka Emirates.