Kevin de Bruyne ayaa u sheegay tababarihiisa Pep Guardiola sida isaga iyo Phil Foden ay u wada ciyaareen karaan.
De Bruyne ayaa labo gool dhaliyay iyadoo City ay shalay 4-3 kaga badisay Crystal Palace, halka Phil Foden uu ahaa bedel aan la isticmaalin.
Khadka dhexe ee CIty waxa uu ka kooban yahay Rodri oo burburiyaha khadka dhexe ah, waxaana ka horeeya labo khad dhexe oo caawinaya Haaland.
Kulankii Palace De Bruyne ayaa ka garab ciyaaray Julian Alvarez labada boos ee khadka dhexe, laakiin De Bruyne ayaa sheegay inuusan arkin sabab uusan sidaas oo kale uga garab ciyaari karin Foden.
Waxa uu tixraac ka dhigtay bilowgii waayihiisa Man City markaasoo uu ka garab ciyaarayay David Silva, isagoo sheegay inay taasi tusaale u tahay in isaga iyo Foden ay iska garab ciyaari karaan.
Isagoo u hadlayay TNT Sports, waxa uu yiri: “Waxaan aaminsanahay inay suurtogal tahay inaan iska garab ciyaarno. Bilowgii waayaheyga Man City waxaan ka garab ciyaarayay David Silva, qof walbana waxa uu lahaa ma shaqeyneyso, laakiin waan ka shaqeysiinay.
“David waxa uu ahaa ciyaaryahan iga weyn, anigana waxaan ahaa mid shaqada badan iyo orodka badan sameynayay, haatan anigaa noqon kara ciyaaryahan weyn Foden isna midka orodka badan sameynaya.
“Laakiin ma arko sabab aynan kuwada ciyaari karin. Uma maleynayo inaan wax badan iska garab dheelnay laakiin haddii aan ka garab ciyaari karo Julian Alvarez oo caadiyan weerar dhexe ah, waxaan aaminsanahay inaan ka garab dheeli karo Phil Foden.”