Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Kevin de Bruyne ayaa sheegay inuusan wax wadahadal ah la yeelan kooxo kale oo ku saabsan ka tagista Etihad ee xagaagan.
Belgium-ka ayaa sheegay inuu u furan yahay wax walba, wuxuuna qoyskiisa kala hadlay suurtogalnimada inuu ka tago City ka dib markii lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo Saudi Arabia dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
33-sano jirkaan ayaa ku biiray kooxda heysata horyaalka Premier League sanadkii 2015kii, isagoo ka yimid kooxda Jarmalka ee Wolfsburg, hal sano ka hor inta aan Pep Guardiola loo magacaabin tababaraha City.
Guardiola ayaa ku adkeystay bilihii dhawaa in De Bruyne aan la iibin doonin, kubad sameeyaha Belgium-ka ayaa sheegay inuusan waligiis kala hadlin kooxaha wax iibsan kara.
“Qofna lama hadlin, run ahaantii,”
“Buuq iyo war badan baa dhacay.
Waxaan idhi xagaaga waxaan filayaa xagaa xasilloon, runtiina taasi waa wixii dhacay.
Waxaan fasax ku maqnaa afar isbuuc, waan soo noqday oo waxaan bilaabay tababar.
Taasi waxay ahayd. Wax loo sheego.
“Qofna ima maaweelin ama cidna ilama hadlin.” Ayuu yidhi De Bruyne.
De Bruyne ayaa heysta hal sano oo uu ku sii dhamaanayo heshiiskiisa City, waxaana uu rajeynayaa inuu kooxda kala hadlo mustaqbalkiisa.
“Marka uu xilli ciyaareedka sii socdo, waxaan hubaa inay jiri doonaan wadahadalo aan la yeelan doono City,” ayuu yiri.
“Kaliya waxaan rabaa inaan dareemo wanaag, inaan ciyaaro kubad wanaagsan tani waxay imaan doontaa bilaha soo socda.
Runtii ma dareemayo degdeg xilligan.” Ayuu raaciyay.
Kooxda Guardiola ayaa guul 100% ah ku bilaabatay difaacashada horyaalka Premier League.
De Bruyne ayaa ku soo bilowday dhamaan seddexdii kulan, isagoo dhaliyay hal gool, islamarkaana caawiye ka ahaa hal gool.
Laacibka khadka dhexe oo ay Belgium u dooratay ciyaaraha Nations League ee ay bishan la ciyaarayaan Israel iyo France, waxa uu kula guuleystay lix horyaal oo Premier League ah, laba FA Cup, shan EFL Cup iyo hal Champions League intii uu joogay kooxda.