Wargeyska Correio da Manha ayaa daabacay in Mikel Arteta uu ka faa’iidaysan doono kulanka caawa kooxdiisa wajaheyso Sporting CP, isagoo awood u yeelan doona inuu si toos ah ula hadlo weeraryahanka lala xiriirinayo kooxdiisa ee Viktor Gyokeres.
Arteta ayaa lagu soo waramayaa inuu rajeynayo inuu isticmaalo fursad uu ku wajahi doono Gyokeres isagoo kala hadli doona wax badan oo ku saabsan ku biirista Gunners 2025.
26-sano jirkaan ayaa si weyn loo filayaa inuu u dhaqaaqo sanadka soo socda koox weyn, iyadoo qaab ciyaareedkiisa uu keenay in ay ku tartamaan kooxo badan oo ka dhisan yurub.
Arsenal ayaa ah kooxda kaliya ee ka dhisan Premier Leaque-ga ee si dhab ah ula socta xaalada ciyaaryahanka weerarka ka ciyaara.
Sidoo kale wargayska ka soo baxa Portugal ee Record ayaa sheegaya in kooxaha Manchester City, Barcelona, Bayern Munich iyo Atletico Madrid ay dhamaantood indha-indheeyayaal u dirayaan kulanka caawa, iyadoo Gyokeres isha lagu heyn doono.
Gyokeres ayaa dhaliyay goolkiisii 24-aad ee xiliciyaareedkaan kulankii Sporting CP ee sbuucaan, waxaana uu sidoo kale dhaliyay sagaal gool lixdii kulan ee uu u saftay Sweden tan iyo bishii Septembar.
Inaad 33 gool u dhaliso koox iyo wadan ka hor dhamaadka November waa mid aad u cajiib ah, rajada la filayo inuu kordhiyo goolashiisa ayaa aad u badan.