Tababaraha kooxda Manchester United Ruben Amorim ayaa la hadlay warbaahinta ka hor kulanka Boxing Day, oo ay marti u yihiin kooxda Wolves horyaalka Premier League.
Amorim wuxuu soo hor fadhiistay saxafiyiintii soo xaadirtay Old Trafford, si uu u qabto shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka Molineux.
Maamulaha cusub ee Wolves, Vitor Pereira, waa qof aad horay ula soo shaqeysay. Maxaad ka taqaan isaga?
“Waxa uu tababare ka ahaa Portugal, waxa uu ku guuleystay laba koob, shaqo fiican ayuu ka qabtay FC Porto, waan ogahay inuu yahay tababare aad u wanaagsan, wuxuu isku diyaarin doonaa kulankaan, wuu fahmi karaa dhibaatada jirta. Waxa uu sidoo kale yaqaannaa sida loola ciyaaro kooxaha waaweyn, sidaas darteed annaga, runtii way adag tahay xilligan inaan wajahno isaga.
Wuxuu sku dayi doonaa inuu ka faa’iideysto dhibaatadeena, laakiin waxaan u diyaar garoobi doonaa ciyaarta sida ugu macquulsan.
Waa sidee xaalada Marcus Rashford ma kala hadashay waraysigii uu bixiyay?
Markaan dareemo inay tahay waqtigii saxda ahaa, waan ka hadli doonaa, waxaan sii wadi doonaa inaan ka fikiro kaliya waxa kooxda u fiican.”
Ma kala hadashay waraysiga?
“Maalin walba waan la hadlaa. Ma aha wareysiga oo kaliya, ee wax ku saabsan waxqabadka kooxda ayaan ka hadalnaa isaga.
Maxaad jeclaan lahayd inaad ka aragto Marcus?
“Sida ciyaaryahan kasta oo kale, waxa ugu fiican ayaan rabnaa inaan ku aragno. Haddii aad leedahay karti weyn, waxqabad weyn, mas’uuliyad weyn, ka qaybqaadasho weyn, waa waxa loo baahan yahay kooxdana muhiimka u ah.