Kylian Mbappe ayaa haatan ku nool mid ka mid ah waqtiyadii ugu adkaa ee xirfadiisa ciyaareed.
Waxa uu ku dhibtooday inuu ka soo baxo wixii laga filayey markii ay soo iibsatay Real Madrid xagaagii.
ka dib markii uu ku fashilmay kulankii Liverpool xalay islamarkaana rigoore uu qasaariyay, wuxuu hadda celcelis ahaan u dhaliyaa 0.5 gool kulankiiba kooxda Real Madrid.
Sida laga soo xigtay MD, halyeeyga Real Madrid Guti wuxuu aaminsan yahay in kalsoonida Mbappe ay qayb weyn ka qaadaneyso qaab ciyaareedkiisa liita.
“Dhamaanteen waxaan jeclaan lahayn inaan ogaano waxa ku dhacaya Mbappe, wuxuu u muuqdaa mid aan kalsooni ku qabin naftiisa oo xishood badan dareemaya.
Ka hor inta uusan rigoorada qaadan waxa uu u ekaa mid cabsanaya, hubaal kuma faraxsana wax qabadkiisa wuxuu rabaa inuu sameeyo wax weyn.
Kalsooni darro ayaa dhibkiisa ugu weyn uu yahay, waxaadna taas ka arki kartaa kulan kasta oo Real Madrid ciyaareyso.
Mbappe hadda waxa uu yimid koox kale oo uu kula tartami doono ciyaartoy waa wayn taasina waa wax iska caadi ah.
Way adag tahay in laga fikiro in ciyaartoygu si dhaqso ah oo degdeg ah ula qabsado koox sida Real Madrid oo kale ah, Madrid in laga ciyaaro waa wa aad u adag “ayuu yiri Guti.