Mikel Arteta ayaa aaminsan in Kai Havertz uu wali haysto awood uu ku hogaamiyo weerarka Arsenal ka dib markii uu si fiican ku bilowday xilli ciyaareedkaan.
Afar gool iyo hal caawin ayuu sameeyay Havertz oo fure u ahaa bilowga wanaagsan ee Arsenal, isagoo si fiican uga soo muuqday booska sagaalka beenta ah.
Mar la weydiiyey in Havertz uu hadda kalsooni weyn ku qabo doorkiisa weerarka, Arteta waxa uu yiri: “Waad arki kartaan, wuu qaatay masuuliyad weyn, wuxuu dhaliyay goolal waana inaan ku kalsoonaano isaga.
“Wuxuu ku jiraa xaalad sare, wuxuu ku socdaa sidii looga baahnaa ciyaartooyda noociisa oo kale ah, qaabka uu kubada u haysto waa cajiib, wuxuu yaqaanaa sida loogu dhaqaaqo sanduuqa.
Marka uu ciyaarayo lambar sagaal, ma garanaysid meesha uu joogo, taasi waxa aan ku dooratay inuu booskaas si joogta ah ugu shaqeeyo” ayuu yir Arteta.
Havertz ayaa ku lug lahaa 20 gool 21-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League 13 gool ayuu dhaliyay 7 ayuu caawiyay waana waxa keenaya in la aamino waqtigaan.