Liverpool ayaan la qaban karin xili ciyaareedkaan, waxaana ay ka badiyeen caawa kooxda Aston Villa oo marti u aheyd.
Goolka hore oo ay Liverpool hogaanka ku qabatay waxaa dhaliyay Nunez, iyadoo caawintiisa uu lahaa Salah.
Dhamadka ciyaarya Salah ayaa goolka labaad u dhaliyay Liverpool oo 2-0 kaga badisay Aston Villa oo marti u aheyd.
Aston villa isku day kasta oo ay ugashay inay ku dhaliso gool uma suurta galin, iyagoo dhowr fursad iska qasaariyay.
Saddex waxyaabood ayaa baranay kadib guushii Liverpool ay ka gaartay caawa kooxda Emry.
1.Muhiimada Salah
Mohamed Salah waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Premier League ka ciyaara ee 10+ caawin sameeyay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Masaarigaan ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay oo ay tartan adag kooxdiisa ugu jirtay horyaalka Premier League.
Sidookale Salah waa caawiyaha ugu sareeya Premier League tan iyo bilowga xili ciyaareedkii hore.
Wuxuu Mo Salah caawiyay 16 gool tan iyo Season-kii hore, waxaana rikoorkaas la wadaaga Bukayo Saka iyo Cole Palmer.
2.Heshiiska Salah
Maamulka Liverpool waa in aysan lumin Salah oo kujira gabagabada qandaraaskiisa kooxda Anfield ku ciyaarta.
Ciyaaryahanka ayaa dhawaan qiray inuu kujiro dhamaadka xirfafiisa ciyaareed ee Liverpool, umana badna inuu qandaraaska kordhin doono sida warar kala duwan lagu sheegay.
Laakiin Liverpool waa in ay xal u heshaa sii heysashada laacibkaan muhiimka y ah kooxda xili ciyaareedkaan.
3. Liverpool iyo Horyaalka?
Liverpool ayaa u muuqato koox la qaban karo xili ciyaareedkaan, iyadoo shan dhibcood oo nadiif ah ka sareysa kooxda kusoo xigta ee Man City oo caawa guuldareysatay.
Horyaalka dhinac kasta marka wax lagu qiimeeyay Arne Slot, waxay u badan tahay inuu kiisii yahay, waliba rikooradiisa waaweyn ayaa tariikh gaar ah u noqday tababaraha cusub ee Reds.