Kabtanka Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa ugu baaqay saaxiibadiis inay diiradda saaraan ciyaaraha iyagoo isku diyaarinaya loolanka adag ee horyaalka Premier League, kahor kulanka ay Arbacada la ciyaarayaan Aston Villa.
Liverpool waxay guul 2-1 ah ka gaartay Wolves kulankoodii ugu dambeeyay, taasoo mar kale u xaqiijisay inay Arsenal kaga hayaan horyaalka 7-dhibcood. Si kastaba ha ahaatee, 25-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay kulankaas waxay ahaayeen kuwo xiiso leh, maadaama taageerayaasha Reds ay dareemeen walaac.
Inkasta oo Luis Diaz iyo Mohamed Salah ay goolal dhaliyeen, ciyaartu waxay noqotay mid adag kaddib markii gool uu dhaliyay Salah laga diiday, halka Matheus Cunha uu goolka callanka u dhaliyay Wolves.
Tani waxay imaaneysaa xilli Liverpool ay dhowaan barbarro naxdin leh la gashay Everton, kadib markii gool laga dhaliyay daqiiqadihii dhimashada, taasoo Van Dijk uu qiray inay walaac keentay.
Van dijk ayaa yiri, aan fejignaano salah waa qof bini adam ah . , waxaana si fiican u fahmayaa in cabsida iyo walaacu ay mararka qaar na harreeyaan.
“Waxaan horey u sheegay usbuucyo kahor, waa inaan suunka dhuuqsanno oo aan safarka ku raaxeysanno. Waxaa jiri doona isbeddelo badan.
“Haddii aanan u diyaar garoobin – waana meel aan horey u soo marnay – labo bilood oo adag ayan gaki doonnaa, laakiin waxaan dareemayaa in koox ahaan aan u diyaarsannahay.
“Wax walba ayaan bixin doonnaa, waxaana arki doonnaa 13 kulan kaddib haddii ay nagu filnaan doonto. Waa inaan diiradda saarno kulan walba, mana aha inaan eegno kooxaha kale, maadaama aynaan saameyn ku lahayn waxa an sameeyneno.”