Kooxda horyaalka Premier League ee Ipswich Town ayaa xaqiijisay in kabtankooda Sam Morsy uu diiday in uu xidho Calaamadda LGBTQ+ ee qaanso-roobaadka sababo la xiriira diintiisa.
Horyaalka Premier League iyo kooxihiisu waxay u dabaaldegeen taageerada loo hayo dadka LGBTQ+ inta lagu guda jiray kulamadii usbuucan oo qeyb ka ahaa ololaha Stonewall ee Rainbow Laces.
Horyaalka ayaa sheegay in ololahan uu door muhiim ah ka qaatay wacyigelinta ku saabsan dadka LGBTQ+ tan iyo 2013.
Sida qeyb ka mid ah ololahan, kabtanada ayaa xirtay calaamado leh midabada qaanso-roobaadka, halka ciyaartoy badan ay doorteen inay xirtaan kabaha leh xargo astaamaha qaanso-roobaadka.
Ka hor inta aan ololaha la bilaabin, Premier League ayaa war-saxaafadeed ku sheegay: “Inta lagu guda jiro muddadan, horyaalka iyo kooxuhu waxay soo bandhigi doonaan shaqada ay sameeyaan sanad walba si ay u muujiyaan sinnaan, kala duwanaanta iyo ka mid ahaanshaha wax kasta oo ay sameeyaan.”
Kabtanka Ipswich, Morsy, ayaa ahaa kan kaliya ee 20-ka kabtan ee Premier League ka tirsan ee aan xiran calaamadda qaanso-roobaadka usbuucan.
Kooxdu waxay sheegtay inay “ixtiraamayaan go’aankiisa,” kaas oo salka ku haya sababo diimeed, laakiin waxay adkeeyeen sida ay uga go’an tahay taageerada dadka LGBTQ+ waxayna sheegeen inay si buuxda u taageersan yihiin ololaha Rainbow Laces.
Bayaan ay soo saartay kooxda ayaa lagu yiri: “Kooxda kubadda cagta ee Ipswich Town waa koox ka go’an inay noqoto mid si buuxda ugu furan qof walba oo soo dhaweynaysa cid kasta.”