Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday xiliga la filayo in Martin Odegaard uu ku soo laaban doono kooxda, taasoo ah war wanaagsan oo u soo kordhay Arsenal.
Kabtanka Arsenal ayaa ka maqnaa kooxda tan iyo markii uu dhaawac canqowga ah ka soo gaaray isagoo u ciyaaraya xulka Norway bilowgii bisha September. Gunners ayaa goor sii horreysay ka gaabsatay in ay wakhti sax ah ka sheegto soo kabashada xiddiga.
Waxaa jiray warar sheegaya in soo kabashada Odegaard dib u dhacday, taasoo keeni karta in uu ka maqnaado kooxda ilaa bisha December, laakiin sheegashadaas ayaa beenowday.
Tababare Arteta ayaa shirkiisa jaraa’id ee Jimcaha kaga hadlay haddii uu filayo in Odegaard uu ciyaari doono ka hor inta aan la gaarin kulamada caalamiga ah ee bisha soo socota, Arteta ayaa ku jawaabay: “Haa waan filan karnaa soo laabashadiisa ka hor fasaxa december”