Bruno Fernandes ayaa rajaynaya in maamulaha cusub ee Ruben Amorim uu badali karo tamarta kooxda Manchester United ka dib markii tababaraha reer Portugal uu la wareegay shaqada kooxda Premier League.
Amorim waxa uu xarunta tababarka ee Carrington ku tagay fasax isniintii, laakiin ma bilaabi karo tababarka kooxda ilaa looga helo warqada shaqada.
39-sano jirkaan, oo bedelay Erik ten Hag oo la ceyriyay bishii hore, ayaa Sporting Lisbon ku hogaamiyay labo koob afar xilli ciyaareed gudaheed, waxaana uu kaga tagay 11 guul 11 kulan oo horyaalka uu hogaamiyay xilli ciyaareedkan.
Waxaa muuqata inuu bedeli karo tamarta, haddii uu helo waqtiga saxda ah,” Fernandes, oo ka tagay Sporting kuna biiray United ka hor inta uusan Amorim la wareegin, ayaa u sheegay MUTV.
Waxaan rajeyneynaa inuu awood dheeri ah keeni karo, waa waqtigii ku haboonaa inuu yimaado oo uu keeno halkaan tamartiisa.
“Haddii uu qof ka shakiyo awoodiisa gaarka ah, bal fiiri 20 sano oo aysan ku guuleysan horyaalka, isagaa ka caawiyay waliba laba jeer afar sano gudahood.
Kabtan Fernandes ayaa sheegay in maamulida United, oo aan ku guuleysan Premier League tan iyo 2013, ay noqon doonto caqabad ka duwan shaqadii Sporting.
Aad ayaan u hubaa in fikrad fiican oo kubbadda cagta ah uu haysto, ayuu yiri Farnandez.
Amorim waa macalinkii lixaad ee loo magacaabo xilka tababarenimo ee United tan iyo bixitaankii Alex Ferguson sanadkii 2013.
United ayaa ku jirta kaalinta 13-aad ee kala saraynta horyaalka premier League kadib qaab ciyaareed liita oo ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan, laakiin waxa ay kaliya 4 dhibcood ka dambeeyaan afarta sare.
Kulanka ugu horreeya ee Amorim wuxuu u maqdaa mid fudud, isagoo wajahaya Ipswich November 24, ka dib fasaxa caalamiga ah.