Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa difaacay xiddigiisa Trent Alexander Arnold kaasoo todobaadkan ka careysiiyay Manchester City ka dib markii uu sheegay in guushooda aysan micno laheyn madaama ay lacag ku iibsadeen.
Liverpool iyo City waxay ku kulmi doonaan Anfield Axada kulan go’aansan doona tartanka horyaalka Premier League.
Trant Alexander-Arnold ayaase ka careysiiyay Man City maalmo ka hor kulan adag isagoo sheegay in koobab ay micno weyn u leeyihiin taageerayaasha Liverpool marka loo eego Man City.
Xiddigaha City Erling Haaland, Ruben Dias iyo Kyle Walker ayaa u jawaabay daafaca Liverpool si la mid ah Pep Guardiola.
Markii la weydiiyay hadalada Alexander-Arnold, tababaraha City ayaa ku gaabsaday: “Waxaan u rajeynayaa soo kabsasho degdeg ah iyo inuu soo laabto sida ugu dhakhsiyaha badan.”
Jurgen Klopp ayaase difaacay ciyaaryahankiisa isagoo sidoo kale ku sii digtay Manchester City.
Markii la weydiiyay doorka taageerayaasha Anfield ay ka ciyari doonaan kulanka Axada, Klopp ayaa yiri: “Ma la ii ogol yahay inaan sheego in jawiga garoonkeena aysan jirin wax u dhigmo – miyay jirtaa cid hadalkaas ka xanaaqi doonta?”
Markii la weydiiyay hadalkii Alexander-Arnold uu ka careysiiyay Man City, Klopp ayaa yiri: “Wixii Trent yiri wax ka qaldan ma jiraan.
“Wuxuu ku dhashay Liverpool, wuxuu u soo ciyaaray dhamaan da’ yarta kooxda – mid ka mid ah hal ku dhigyadeena ayaa ah “tani qiimo weyn ayay inoo leedahay” waa run guusheena qiimo ka badan kuwa kale ayay inoo leedahay – wixii halkaan ka dhacan micno weyn ayay inoo leedahay.
“Marka aan sidaas dareemeyno, maxaa noo diidaya inaan sheegno. Waa sida uu dareenkiisa yahay, wax dhibaato ahna uma arko, waana hubaa inuu si ixtiraam leh u hadlay.”