Tababare Jurgen Klopp ayaa canaantay wariye ku sugnaa shirkiisii jaraa;id ee shalay isagoo difaacay kabtankiisii hore Jordan Henderson oo dhawaan wareysi xun laga qaaday.
Klopp ayaa la hadlayay warbaahinta ka hor kulanka ay caawa Liverpool la ciyaareyso Atalanta lugta hore ee wareega sideeda Europa League.
Klopp ayaa canaan kala duldhacay wariye uu moodayay inuu wareysi xun ka qaaday kabtankiisii hore Jordan Henderson ka dib ciyaar ay dheeshay Ajax.
Klopp ayaa yiri: “Waxaad tahay midkii wareystay Jordan Henderson, miyaadan aheyn?”
Wariyaha ayaa ku jawaabay: “Maya ma ahi, waa nin aan isla shaqeyno.”
Klopp ayaa ka dib weydiiyay: “Saaxiibkaa miyaa?”
“Alla muxuu wareysi aad u xun ahaa. Miyaad garaneysaa cid jeclaatay wareysigaas?”
Wariyaha ayaa ku jawaabay: “Waan la hadlay wariyaha wareysiga qaaday, wuuna ka qoomameeyay wareysigaas, wuu ku yara adkeeyay. Wuxuuna raaligelin ka bixiyay TV-ga.”
Klopp ayaa markaas yiri” “Wow, OK. Anigaa u aqbalaya raaligelintaas Hendo.”
Tababaraha Jarmalka ayaa ka hadlayay wareysi ay ESPN ka qaaday Jordan Henderson ka dib kulankii ay Ajax barbaraha 2-2 la galeen Fortuna Sittard bishii Maarso.
Waxaa la weydiiyay haddii ciyaartaas ay aheyd qaab ciyaareedkii ugu xumaa xilli ciyaareedkan ee Ajax.
Laakiin Henderson oo Ajax uga soo biiray kooxda Sacuudiga ee Al Ettifaq ayaa yiri: “Maya ma aheyn, sababtoo ah ma aanan guuldareysanin. Mar walba waxaa aad u xun marka lagaa badiyo.”
Xiddiga khadka dhexe ayaa mar kale lagu celiyay haddii ciyaartaas ay aheyd qaab ciyaareedkii ugu xumaa Ajax ee xilli ciyaareedkan.
Henderson ayaa xanaaqay isagoo yiri: “Waxaad rabto waa ugu yeeri kartaa.”