Xiddiga xulka qaranka Argentina, Julián Álvarez, ayaa ka jawaabay hadalladii horudhaca ahaa ee Raphinha ka hor kulankii ay la yeesheen Brazil, isagoo yiri: “Waxaan u ciyaarnay si heer sare ah,wuuna aflagaadeeyay Raphinha laakiin cashar ayaan u dhignay.”
Ka hor kulanka, Raphinha ayaa si kalsooni leh u sheegay in Brazil ay garaaci doonto Argentina, taasoo dhalisay xiisad dheeraad ah.
Kulanka oo ka dhacay Buenos Aires,Argentina ayaa ku dhamaaday 4-1, iyadoo goolasha ay u kala dhaliyeen Julián Álvarez, Enzo Fernández, Alexis Mac Allister, iyo Giuliano Simeone. Matheus Cunha ayaa dhaliyay goolka qura ee Brazil.
Intii lagu jiray ciyaarta, Raphinha ayaa isku dayay inuu kubbad dhex mariyo lugaha Álvarez, laakiin isku daygiisa ayaa fashilmay, taasoo keentay in Álvarez uu si fudud kubbadda u qaato.
Kulanka kadib, Rodrigo De Paul ayaa sheegay in kooxda Argentina ay dooratay inay jawaabtooda ku muujiso garoonka dhexdiisa, isagoo xusay in kooxdu ay diiradda saartay ciyaarta oo aysan ku mashquulin hadallada ka horreeya kulanka
Guushan ayaa xaqiijisay booska Argentina ee Koobka Adduunka 2026, iyadoo hoggaamineysa kooxda isreebreebka iyadoo leh 31 dhibcood.
Kulanka kadib, Raphinha ayaa muujiyay caro, waxaana la qabtay isagoo isku dayaya inuu la dagaallamo ciyaartoyda Argentina, taasoo keentay in la celceliyo si loo xakameeyo xaaladda.
Guushan ayaa xoojisay kalsoonida Argentina, halka Brazil ay u baahan tahay inay dib u eegto qorshayaasheeda si ay u horumariso bandhiggeeda mustaqbalka.