Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa jabiya sharci adag oo dhinaca labbiska ah oo u yaalla horyaalka waddanka Spain ee LaLiga ciyaar kasta oo uu dheelo, waxaana usbuucan kusoo jeedsaday indhaha saxaafadda oo farta ku fiiqday sida uu laacibkani ugu tumanayo sharciga.
Jude Bellingham oo Los Blancos ay kala soo wareegtay Borussia Dortmund xagaagii, ayaa si degdeg ah u saldhigay Santiago Bernabeu oo uu ka noqday ciyaartoyga ugu muhiimsa.
Laacibkan reer England oo hoggaaminaya gool-dhalinta horyaalka LaLiga, ayaa 16 ciyaarood oo uu u saftay Real Madrid waxa uu u dhaliyey 13 gool, isaga oo waqti horeba ay jamaahiirta kooxdiisu u aqoonsadeen halyey.
Si kastaba, 20 jirkan ayaa la ogaaday inuu si joogto ah u jabiyo sharciga kubadda cagta LaLiga ee dhinaca labbiska ama xidhashada dharka, waxaana uu ka mid noqday ciyaartooyo sharaabaaddadooda u sameeya dal-dalool dhinaca dambe ee muruqa ah.
Ciyaartoyda ayaa laba dalool u sameeya sharaabaaddadooda, waxaana sababta ugu weyn lagu sheegay inay ku ilaalinayaan muruqooda kubka si aanu dhaawac ugu soo gaadhin, laakiin sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain, waxa arrintan diidaya sharciga horyaalka LaLiga.
Sharciga LaLiga ayaa waxa uu ciyaartoyda u diidayaa, in ay garoonka kusoo galaan amaba ciyaaraan iyadoo ay jeexan yihiin garamadooda, nigisyada ama shuraabaaddadu, waxaana la sheegay inay suurtogal tahay lagu rido ganaax.