Jude Bellingham oo halis ugu jira ganaax kaddib markii uu cagta ku dhuftay shaashadda VAR – xiddiga Real Madrid oo caro darteed u muujiyay fal foolxun kaddib guuldarradii lama filaanka ahayd ee Valencia.
Jude Bellingham ayaa halis ugu jira in mar kale la ganaaxo, kaddib markii uu si caro leh ugu dhuftay lugtiisa shaashadda VAR kaddib guuldarro ay Real Madrid kala kulantay kooxda Valencia.
Kooxda Los Blancos ayaa la kulantay dhirbaaxo weyn oo ku saabsan hanashada horyaalka La Liga, markii ay 2-1 guuldarro kala kulmeen kooxda Los Ches garoonkooda Santiago Bernabeu. Real Madrid ayaa haatan afar dhibcood ka dambeysa Barcelona, iyadoo siddeed kulan oo kaliya uga haray xilli ciyaareedkan.
Bellingham ayaa si cad u muujiyay caro iyo niyad-jab markii uu garoonka ka baxayay dhammaadka ciyaarta, taasoo ahayd mid ay kooxda Ancelotti ku dhibtootay iney la timaado waxqabad muuqda xilli ay la ciyaarayeen koox dhibaato ku jirta. Goolka guusha ee ay Valencia dhalisay daqiiqaddii 95-aad ayaa sii xoojisay murugada Madrid.
Laacibka qaranka England ee Bellingham ayaa ku caro jabay laadkii uu ku qaaday shaashada VAR. Markii uu ag marayay shaashadda VAR ee ku taalla garoonka dhiniciisa, ayaa isha qabatay, wuxuuna si caro leh ugu dhuftay cagtiisa.
Tallaabadan ayaa la filayaa in ay sababto baaritaan iyo suurtagal ganaax dheeraad ah, iyadoo maamulka La Liga ay si adag uga hortagaan falalka noocan oo kale ah ee ciyaartoydu ku muujiyaan caro.