Xiddiga reer England Jude Bellingham ayaa soo bandhigay kanaal cusub oo YouTube ah wuxuuna soo gelin doonaa dukumentari ku saabsan xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Real Madrid.
Dhowr usbuuc ka dib Cristiano Ronaldo ayaa bilaabay kanaalkiisa YouTube-ka, kaas oo uu ku leeyahay in ka badan 57 milyan oo macaamiil ah.
Ciyaaryahanka Madrid Bellingham ayaa isna raacay.
Bellingham wuxuu ku dhawaaqay in dukumeenti sannadkiisii ugu horreeyay ee Spain uu kasii deyn doono kanaalka.
21-sano-jirku wuxuu sii deeyn doono afar qaybood oo todobaadle ah oo muuqaal ah laga bilaabo Sebtember 12 iyo wixii ka dambeeya.
Bellingham waxa uu u soo qaatay sanad xusuus leh oo naadi iyo wadan ah.
Waxa uu ka caawiyay Madrid ku guuleysiga La Liga iyo Champions League xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu door weyn ka qaatay inuu England ku hogaamiyo finalka Euro 2024.
Iyada oo awoodiisa xiddigeed ay sii kordheyso, xiddigii hore ee Borussia Dortmund ayaa hadda u soo jeestay YouTube si uu taageerayaasha u siiyo fursad dheeri ah oo noloshiisa.
Da’yarkii hore ee Birmingham City Bellingham, kaasoo garoomada uga maqnaa dhaawac muruqa ah toddobaadyadii la soo dhaafay, ayaa rajeynaya inuu ku soo laabto garoomada dhamaadka bishaan ka dib markii uu si dhib badan u soo ciyaaray sanadkii hore ee Madrid iyo England.