Laacibka reer Masar ayaa sheegay in booqashadiisa dhow ee Old Trafford ee Liverpool ay noqon karto kiisii ugu dambeeyay.
Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa in uu si aad ah u doonayo in uu u saxiixo heshiis cusub oo uu ku sii joogi doono Anfield dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Laacibka reer Masar waxa uu noqday mid ka mid ah ciyaartoydii abid ugu ficana Liverpool 7-dii sano ee uu joogay kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, qandaraaskiisu wuxuu dhacayaa xagaagan, waxaana uu qiray ka dib guushii 3-0 ee ay ka gaareen kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United in kani uu noqon karo sannadkiisii ugu dambeeyay ee kooxda.
Liverpool Echo inkasta oo ay warinayso in Salah uu hadda ka fikirayo in uu u kordhiyo sii joogida kooxda, uuna aad u doonayo in uu sii joogo Anfield.
Tani waxay imaaneysaa iyadoo ay jirto xiisaha Sacuudiga, iyadoo Al-Itixaad ay si gaar ah u doonayeen saxiixa Salah xagaagii 2023.
Warbixinta ayaa sheegeysa in ‘saaxiibkiis hore’ ee Sadio Mane ay hoos u dhacday qaab ciyaareedkiisa ay tahay mid ka mid ah sababaha Salah uu uga soo horjeedo u dhaqaaqista Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Mane ayaa markii hore ka tagay Liverpool kuna biiray Bayern Munich xagaagii 2022, inkastoo kaliya hal sano uu la joogay kooxda Bundesliga ka dhisan.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Senegal ayaa u dhaliyay 19 gool 54 kulan oo uu u saftay Al-Nassr, halkaasoo uu kula garab ciyaaro Cristiano Ronaldo.
Sababta kale ee uu Salah u doonayo inuu sii joogo Liverpool ayaa ah qoyskiisa oo degay halka ay ku sugan yihiin.
Qandaraaska Salah kaliya maahan hadal heynta ugu weyn ee Liverpool, iyadoo Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold labaduba ay ku jiraan sannadkii ugu dambeeyay ee heshiisyadooda.