Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa sharraxay sababtii uu iskaga diiday kooxo waaweyn oo reer Yurub a oo ay ku jiraan Manchester United, Manchester City iyo Liverpool ka hor intii aanu ku biirin Real Madrid.
Kubbad-sameeyaha reer England ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda loogu doonista badan yahay xagaagii tegay, waxaana miiskiisa saarnaa dalabyo kala duwan oo kooxo waaweyn uga yimid, waxaana kooxaha Premier League iyo Real Madrid ku wehelinayay xiisaha saxeexa laacibkan Bayern Munich.
20 jirkan oo la hadlay saxaafadda ka hor ciyaarta Manchester City ee maanta, ayaa waxa uu shaaciyey in iyadoo kooxo badan uu la hadlay uu yimid dalabka Real Madrid oo isaga oo aan ka fikirin uu degdeg u aqbalay, halka kooxdiisii Borussia Dortmund ay heshay £88.5 milyan oo Gini.
Bellingham oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxa jiray kooxo kale oo aanu sheekaysanay, laakiin markii ay Real Madrid timid, run ahaantii kamaba aanan fikirin dalabkooda.
“Sababtoo ah baaxadda ay kooxdu leedahay, mashruuca, qorshaha mustaqbalka ee naga horreeya, iyo fursadda aan u helayo in aan ka garab ciyaaro ciyaartoyda sidaas cajiibka u ah.
“Waan kusoo booday markiiba, sababtaas ayaanan u qaatay go’aankayga.”