Jude Bellingham ayaa casaan la siiyay ka dib markii uu cabasho muujiyay iyadoo garsooraha uu ka beeniyay gool guul noqon lahaa isagoo seeriga kama danbeysta ah yeeriyay ciyaartii Valencia.
Vinicius Jr ayaa labo gool ku dhaliyay Mestalla Stadium halkaasoo lagu cunsuriyeeyay xilli ciyaareedkii hore, iyadoo Real Madrid ay ka soo kabsatay 2-0 islamarkaana ay ciyaarta ku dhameysay barbaro 2-2 ah.
Bellingham ayaa moodayay inuu ciyaarta u badiyay Real Madrid daqiiqadii 6aad ee waqtigii dheeriga ahaa markii uu kubad madaxa ku dhaliyay, laakiin garsoore Gil Manzano ayaa seerigii ugu danbeeyay ee ciyaarta yeeriyay ka hor inta uusan karooska imaanin xerada ganaaxa.
Sidaasi darteed goolka waa la diiday taasoo keentay in ciyaartoyda Real Madrid iyo shaqaalaha tababarka ay ku xoomaan garsooraha iyagoo cabanaya, Bellingham oo ka soo laabtay dhaawac uu seddex isbuuc la maqnaa ayaa la siiyay casaan madaama uu qeyb ka ahaa mudaharaadka.
Hugo Duno iyo Yaremchuk ayaa Valencia hogaanka u dhiibay qeybtii hore, waxayna u muuqdeen kuwa seddexda dhibcood ka qaadanaya Real Madrid, laakiin Vini Jr ayaa gool u soo celiyay Los Blancos ka hor inta aysan dhamaanin qeybtii hore.
Xiddiga reer Brazil ayaana goolka barbaraha dhaliyay daqiiqadii 76aad iyagoo goolkii guusha ee Bellingham la diiday waqtigii dhimashada ciyaarta madaama seeriga uu yeeray ka hor inta aan karoos la soo qaadin.
Natiijadaan waxay ka dhigan tahay in Real Madrid ay hogaanka ku heyso 66 dhibcood, waxay 7 dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta labaad ee Girona oo kulan uu u harsan yahay.