Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa shaaciyey inuu qarka u saarnaa inuu noqdo tababaraha xulka qaranka England, waxaana uu rumaysan yahay in uu koobab u qaadi lahaa.
Mourinho ayaa waxa uu sheegay, in xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA uu lasoo xidhiidhay markii ay awoodi waayeen inay usoo baxaan Euro 2008 isla markaana shaqada laga caydhiyey Steve McClaren, laakiin xilka loo magacaabay Fabio Capello.
Waxa xulka qaranka England waqtigaas ku jiray ciyaartooyda lagu tilmaamo ‘Jiilka Dahabiga ah ee England’, waxaana uu Mourinho ku dooday inay ahayd inay koobab ku guuleystaan, waxaanu yidhi: “Miiska ayaanu wada fadhiisanay xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska, waxaanan haystay ballan-qaad.
“Waxa maskaxdayda ku jirtay in aanan shaqadaas ugu raaxaysanayn sida aan ugu raaxaystay Chelsea 2004/05. 2006/07, 2007/08, waxaana shaqada helay Mr Capello.”
Fabio Capello ayaa awoodi waayey in uu guulo gaadhsiiyo xulka qaranka England isaga oo haysta xiddigo waaweyn, waxaanu ka tegay isaga oo saluug badan loo muujinayo.
Mourinho oo ka hadlayay arrintan ayaa yidhi: “Waxa joogay Scholes, Ferdinand, Terry, Ledly King, Jamie Carragher, Gerard iyo Lampard. Waxay ahayd inay wax ku guuleystaan. Markii Portugal ay rioodheyaasha idinkaga badisay, waxay ahayd in aad idinku ku guuleysataan.”
Jose Mourinho ayaa la weydiiyey in ay ciyaartoyda England awoodi karayaan inay sannadkan ku guuleystaan tartanka Euro 2024, waxaanu yidhi: “Waxa hadda jooga jiil aad u fiican. Waxay hore u yimaaddeen finalka Euro, waanay ku guuleysan karayaan.”