Halyeeyga Newcastle United, Alan Shearer ayaa magacaabay laba kooxood oo uu Jose Mourinho ku biiri karo Premier League haddii uu dib ugu laabto kubadda cahta England.
Mourinho ayaa qiray dhowr jeer inuu jeclaan lahaa inuu ku laabto England, halkaasoo uu horay u dhowr koox tababare ugu soo noqday.
Ninka reer Portugal wuxuu markii ugu horaysay ka shaqeeyay Premier League bartamihii 2004 wuxuuna kula guuleystay Chelsea koobab xiriir ah ka hor inta uusan ka dhaqaaqin.
Mourinho ayaa sidoo kale ku guuleystay Premier League markii labaad ee uu la shaqeeyay Blues toban sano ka hor, laakiin labadiisii shaqo ee xigtay Premier League lama amaanin.
Si kastaba ha ahaatee, waqtiyo xun oo kusoo maray Manchester United iyo Tottenham ayaa keentay inuu isaga tago Premier League oo dhan.
61-sano jirkaan ayaa u dhaqaaqay Fenerbahce xagaagii hore, laakiin waxaa durba lala xiriirinayaa inuu ka tagayo kadib markii ay dhowr jeer isku dhaceen kooxdiisa, isagoo ku laaban kara Premier League.
Shearer ayaa sheegay in tababare Jose Mourinho rikoorkiisa Premier League uu aad u sareeyo, wuxuu qiray in labada koox ee Everton iyo Newcastle ay yihiin kuwo ugu macquulsan ee uu la saqeyn karo.
Newcastle waxay heystaan mashruuc weyn, waana mid ay kaga faa,iideysan karaan Jose Mourinho “ayuu yiri Alan Shearer.