Xiddigii hore ee Chelsea, Craig Burley, ayaa sheegay in Mikel Arteta ay ka dhammaatay marmarsiyadii uu ku difaacayay xaaladda Arsenal. Burley ayaa rumeysan in dhibaatada Gunners aysan sabab u ahayn inay weeraryahan la’aan yihiin ama cid kale oo lid ku ah, balse ay ugu wacan tahay in saxiixyadii cusbaa ay ku fashilmeen heerka kooxda.
Muddo laba xilli ciyaareed ah, Arsenal ayaa si weyn loogu aqoonsanaa tartameyaal adag oo hanan kara horyaalka Premier League. Xilli ciyaareedkan, waxay mar kale u muuqdaan kuwa ku dhammeysanaya kaalinta labaad, iyagoo 15 dhibcood ka dambeeya hoggaamiyeyaasha Liverpoo, iyadoo 10 kulan ay ka harsan yihiin horyaalka.
Ciyaartoodii ugu dambeysay ee Premier League waxay ku dhammaatay barbaro 1-1 ah, taasoo la micno ah inay ku guuldareysteen inay badiyaan saddexdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka.
Isagoo ka hadlayay dhibaatada Arsenal, Burley ayaa ku yiri ESPN FC:
“Waxay noqotay wax laga xishoodo marka la eego loolanka Arsenal ee hanashada horyaalka. Hadda waxay 15 dhibcood ka dambeeyaan Liverpool. Ma aha khaladka garsooraha, ma aha sababta oo ah Bukayo Saka oo dhaawac ah, ma aha sababta oo ah Kai Havertz oo dhaawac ah, mana aha sababta oo ah qof walba ayaa lid ku ah iyaga, sida ay inta badan aaminsanaayeen xilli ciyaareedkan.”
“Imisa badbaado ayuu Onana sameeyay qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo Arsenal ay haysatay kubadda inta badan? Midna kama fikiri karo. Ma tihid koox weyn haddii natiijadaada ugu dambeysa ay tahay mid liidata ama aan jirin.”
“Haddii aad tahay kooxda ugu weyn ee la tartameysa Liverpool oo aad sidaas ku ciyaarto markaad la kulmeyso mid ka mid ah kooxaha ugu liita Premier League, oo ah Manchester United, ma aqbali karo in sababtu ay tahay inaysan weeraryahan heysan.”
“Ii sheeg hal fursad oo ciyaartaas ka dhacday oo aad dhihi lahayd, ‘Haddii aan heysan lahayn weeraryahan fiican, waxaan dhalin lahayn goolkaas.’ Midna ma jirin. Waxay ahaayeen kubbado kor loo qaaday oo qaldan, baasas kama dambeys ah oo xun, iyo laadad 20 yard ah.”
“Tani ma aha sababta oo ah ma haystaan weeraryahan; waa sababta oo ah saxiixyadii xagaaga ayaa xun. Marmarsiyadu way ka dhammaatay Arteta.”