Halyeyga Chelsea ee John Terry ayaa magacaabay labadii ciyaartoy ee ugu fiicnaa ee adhaxda ka jabiyey Manchester City kulankii shalay ay barbarraha 1-1 ah kula soo galeen Etihad Stadium.
Kooxda tababare Mauricio Pochettino ayaa u safartay Etihad Stadium iyagoo raadinaya guul 3-1 ah oo ay kasoo gaadhay Crystal Palace, waxaanay daqiiqaddii 42aad gool kala hormareen City iyadoo uu Raheem Sterling hoggaanka u dhiibay Blues, laakiin waqti dambe ayuu Rodri goolka barbarraha u dhaliyey Man City.
Qaybtii labaad, ayay Chelsea difaac adag gashay, waxaanay iska dhiciyeen Man City oo 17 jeer toogatay goolkeeda, ka hor intii aanay kubbad uu soo laaday Rodri kusii dhicin Trevoh Chalobah oo ay shabaqiisa usii weydaaratay.
John Terry oo ka hadlayay ciyaartii shalay ayaa waxa uu ammaan kula dul-dhacay laba ciyaartoy oo wacdaro dhigay, kuwaas oo joojiyey weerarkii halista ahaa ee Manchester City, waxaanu yidhi: “Bandhig wanaagsan ayay sameeyeen. Waxa aynu arkaynaa sida ay u adkaayeen ee ay u joojiyeen weerarka halista ahaa, Axel Disasi iyo Malo Gusto ayaa ahaa labada ciyaartoy ee heerka sare ahaa.
“Qof walba oo kalena wuu fiicnaa.”
Disasi ayaa ahaa ciyaartoyga ku guuleystay xiddigii garoonka, isaga oo afar jeer kubbado madax ay wada galeen Haaland iyo ciyaartoyda kale kaga guuleystay, sidoo kalena joojiyey kubbado badan oo laga soo dhiibay dhinacyada iyo kuwo koorneyaal ahaa.