Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax mudnaan ah siinin xiddiga Atletico Madrid ee Joao Felix xagaagan, iyadoo weeraryahanka uu ka fiirsanayo inuu ku laabto kooxdiisii hore ee Benfica.
Felix ayaa xilli ciyaareedkii 2023-24 amaah ku joogay Camp Nou, isagoo dhaliyay 10 gool, waxaana u diiwaan gashaday lix caawin 44 kulan oo uu u saftay Barcelona tartamada oo dhan.
24- jirkaan qandaraaskiisa amaahda ah ayaa hadda si rasmi ah u dhacay, taasoo la micno ah inuu ku laaban doono Atletico bilowga tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka ilaa dhamaadka bishaan.
Felix ayaa qandaraas kula jira Wanda Metropolitano ilaa Juun 2029ka laakiin uma badna inuu mar kale matalo kooxda sababtoo ah waxaa aad u xum xiriirka uu la leeyahay tababaraha Atletico Diego Simeone.
Barcelona uma aragto saxiixa Felix muhiimad gaar ah, waxay aad uga fakiraysa dhaqaalaheeda.
Warbixinta ayaa sheegeysa in ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal uu ka fakirayo inuu ku laabto kooxdiisii hore ee Benfica.
Kooxda reer Portugal ayaa lagu tilmaamay in ay dalab 20 milyan euro ah ku iibsato xiddiga.
Atletico ayaa la sheegay inay ka go’an tahay inay iska iibiso Felix xagaagan, sidaas darteed kooxda ka dhisan caasimadda ayaa haatan mudnaanta siinaysa Benfica, laakiin Felix ayaa laga yaabaa inuu sugo Barcelona, sidii dhacday sannadkii hore.
Weeraryahanka ayaa u soo ciyaaray Benfica intii u dhaxeysay 2015 iyo 2019, waxaana uu dhaliyay 20 gool wuxuuna sameeyay 11 caawin 43 kulan oo uu u saftay kooxda.
Waqtigaas, waxaa loo tixgeliyey inuu yahay mid ka mid ah hibada ugu fiican ee da’yarta kubbadda cagta adduunka, iyadoo Atletico ay saxiixiisa ku qarashgareysay €126 Milyan.
Weeraryahanka ayaa haatan xulka Portugal kala qeyb galaya Euro 2024, iyadoo kooxda Roberto Martinez ay isku diyaarineyso inay ka hortagto France wareega 8da.