Xiddiga kooxda Chelsea, Joao Felix, ayaa u sheegay tababaraha kooxdiisa, Enzo Maresca, in booskiisa ugu fiican ee uu ka ciyaaro yahay weeraryahan toos ah.
Felix, oo ku soo laabtay Stamford Bridge isagoo kaga soo biiray Atletico Madrid, ayaa heshiis amaah ah oo shan sano ah kula jooga Chelsea. Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka 25 jirka ah ayaa wajahaya dhibaatooyin ku aaddan helitaanka boos joogto ah oo uu ka ciyaaro xilli ciyaareedkan, sababo la xiriira shaxda weerarka ee kooxda.
Ilaa iyo hadda, Felix ayaa saftay labo kulan oo uu baddal kusoo galay, halka uu dhaliyay afar gool saddex kulan oo uu ku bilowday tartanka UEFA Conference League.
Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa si cad u sheegay inuu jecel yahay doorka weeraryahanka dhexe ee tooska ah, isagoo tilmaamay inay tahay booska uu ugu fiican yahay:
“Waxay ila tahay in meesha aan ku soo bandhigi karo qaab ciyaareedka ugu fiican ay tahay weerarka tooska ah,” ayuu yiri Felix.
“Haddii ay tahay weeraryahan been ah ama weeraryahanka labaad, waxaan qabaa in aan booskaas ku caawin karo kooxda.”
Hadalka Felix ayaa ku soo beegmaya xilli Chelsea ay raadineyso inay xal u hesho dhibaatooyinka weerarka si ay u horumariyaan qaab ciyaareedkooda xilli ciyaareedkan.