Xiddiga reer Portugal ee Joao Cancelo ayaa magacaabay hal ciyaartoy oo u dheela Manchester United oo ka cadhaysiiya mar walba oo ay garoomada iskaga hor yimaaddaan, balse ay labadii sannadood ee ugu dambeeyey kala raysteen markii uu isagu ka tegay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee uu Bayern Muncih iyo Barcelona oo uu amaaho ku tegay iskaga gudbay.
Joao Cancelo oo waqti fiican ku qaabanaya Barcelona oo uu xagaagii amaah ugaga soo wareegay Man City, ayaa waxa uu sheegay in kabtanka Manchester United ee Bruno Fernandes uu ka cadhaysiiyo marka ay laba naadi u kala dheelayaan.
Labadan ciyaartoy ayaa waxa ay si wada jir ah ugu dheelaan xulka qaranka Portugal ee isku diyaarinaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 iyagoo 11 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah aan hal marna dhinacooda dhulka la dhigin, iyadoo intii uu Roberto Martinez yimid aan marna laga adkaanin.
Joao Cancelo oo la weydiiyey ciyaartoyga ka cadhaysiiya marka ay iska hor yimaaddaan, ayaa waxa uu ku jawaabay: “Ciyaartoyga inta ugu badan iga cadhaysiiya waa Bruno Fernandes.”
Si kastaba aha ahaatee, Bruno Fernandes ayaa noqday hoggaamiyaha Manchester United tan iyo markii uu uga soo wareegay Sporting Lisbon sannadkii 2020.