Xulka Jarmalka ayaa iska xaadiriyay wareega afar dhamaadka tartanka UEFA Nations League laakiin waxay ku soo baxeen si ciriiri ah ka dib markii ay barbaro 3-3 la galeen xulka Talyaaniga oo labadii lug ee wareega 8da looga badiyay 5-4.
Xulka Jarmalka ayaa u muuqday kuwa si sahal ah ugu soo baxaya wareega afar dhamaadka ka dib markii ay seddexda gool uga hormareen xulka Talyaaniga iyadoo rigoore uu u saxiixay Kimich islamarkaana Jamal Musaila uu shabaqa u soo taabtay halka T. Kleindienst uu dhaliyay goolka seddexaad dhamaadkii qeybta hore.
Balse xulka Azzurri ayaan quusanin iyagoo soo laabasho cajiib ah sameeyay qeybtii labaad ee ciyaarta, Moise Kean ayaa labo gool u dhaliyay daqiiqadihii 50aad iyo 70aad ee ciyaarta halka G. Raspadori uu rigoore ku barbareeyay waqtigii dhimashada ciyaarta.
Laakiin soo laabashada ay xulka Talyaaniga sameeyeen ma aysan badbaadinin madaama lugtii hore looga soo badiyay 2-1, waxayna ku hareen wadar ahaan labada lug guuldarro 5-4 ah.
Tababaraha Jarmalka Julian Nagelsmann ayaa iska caabin badan sameeyay isagoo bedelo dhowr ah soo geliyay markii uu arkay in Talyaaniga ay dardar ku socdaan, waxaana uu haatan marayaa 12 gool, lix barbaro iyo seddex guuldarro tan iyo markii uu noqday tababaraha Jarmalka.