Jamie Carragher ma rumaysna in Marcus Rashford uu horumar ka sameyn karo Arsenal xilli weeraryahanka haddii uu u dhaqaaqo.
Horaantii todobaadkan Rashford, oo 27jir ah, ayaa sheegay inuu doonayo ka tagista kooxdiisa caruurnimada isagoo qiray inuu tartan cusub u baahan yahay.
Rashford, oo laga saaray xulka England ee ka qeyb galay Euro, ayaa kooxda Manchester United laga saaray safkeeda kulankii axadii ay wajahday Manchester City.
Ruben Amorim, oo la wareegay shaqada United bishii hore, ayaa ka dhawaajiyay inuu doonayo inuu sii joogo Rashford, laakiin uu wax badan ka bedelo dabeecadihiisa.
Halyeeyga Liverpool Carragher ayaa aaminsan in la joogo waqtigii uu Rashford ka tagi lahaa Manchester United.
“Waxaan u maleynayaa in la joogo waqtigii uu horay u sii socon lahaa oo uu ka fikiri lahaa Real Madrid, Barcelona iyo PSG,” Carragher ayaa yiri.
Daaficii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa waydiiyay in Rashford uu horumarin doono Arsenal xilli ciyaareedkan maadaama ay u baaha tahay weeraryahan?
Carragher oo yaaban ayaa ku jawaabay: ‘Rashford? Maya! taasi suurta gal ma ahan wax horumar ah oo muuqda kuma sameyn doono Arsenal.