Kulanka ugu weyn Premier League ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan ayaa dhacaya isbuuc dhamaadka, waxaana kulankaan ku sharatamay Jamie Carragher iyo Micah Richards oo u soo kala ciyaaray labada kooxood.
Hal dhibic kaliya ayaa kala saartay labada kooxood iyadoo Reds ay hogaanka ka heyso City ka hor kulanka Anfield ka dhacaya galabnimada Axada.
Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa sharad weyn la galay daaficii hore ee Man City Micah Richards iyagoo ku hishiiyay in qofkii guuldareysta uu midka kale u soo iibiyo suut labis oo qaali ah.
Isagoo ka hadlayay istuudiyaha CBS Sports ka dib guushii ay City ka gaartay Copenhagen, Micah Richards ayaa yiri: “Habeen wacan ayay aheyd, inay sidaan noqoneyso horay ayaa u sii sheegay igama aheyn isla weyni.
“Jamie (Carragher) waxa uu iga dhigayay inaan qof isla weyni. Ma aanan aheyn,. Kaliya waxaan ogaa tayada Manchester City.
“Qaab ciyaareed fiican ayay ku jiraan waqti xaadirkaan, waxaana rajeynayaa inay sii socoto sababtoo ah isbuucyada soo socda waxaan la ciyaareynaa Liverpool, Newcastle, Arsenal…”
Waxaa hadalka ka soo dhex galay Carragher oo weydiiyay: “Pep Gaurdiola waligiis ma ku badiyay Anfield?” Richards ayaa ku jawaabay: “Hal jeer. Waan egnay xogta. Ma xusuusto waqtiga ay aheyd laakiin sagaal kulan uu booqday hal jeer ayuu ku badiyay iyo afar barbaro.”
Gabadha daadihisa barnaamijka Champions League ee CBS Sports Kate Abdo ayaa markaas oo dhex gashay iyadoo weydiisay haddii ay ku sharatamayaan kulanka Axada iyo waxa uu noqon karo sharadka.
Richards ayaa ku jawaabay: “Suut. Waxaan doonayaa suut cusub oo shirkadaha Thom Brown ah.”
Carragher ayaa u muuqday mid ka yara walwalsan qiimaha suutka ka hor inta uusan ogolaanin oo aysan gacanta isgelinin.
Richards ayaa ka dib u cadeeyay Carragher in haddii Liverpool ay badiso uu heli doono suut-kii uu doono oo ku qiimo ah midka uu isaga dalbaday.
Suudadka Thom Browne waxay joogaan 2 kun ginni iyo ka badan, waxaana lagu yaqaanaa tayadooda.