Taageerayaasha ayaa aamini waayay qiimaha jaban ee lagu heli karo Antoine Griezmann xagaagan ka dib markii la ogaaday qodobka lagu burburin karo qandaraaskiisa Atletico Madrid.
Griezmann ayaa ka mid ahaa xiddigihii ugu fiicnaa horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii dhamaaday isagoo dhaliyay 16 gool islamarkaana lix caawin u sameeyay Atletico Madrid oo ku dhameysatay kaalinta afaraad.
33 jirkaan ayaa dib ugu soo nooleeyay waayihiisa ciyaareed caasimada dlaka Spain ka dib markii uu waqti niyadjab ah ku qaatay Barcelona.
Griezmann ayaa amaah dib ugu laabtay Atletico 2021kii ka hor inta uusan si joogta ah ugu wareegin kooxda oo ku iibsatay kaliya 20 milyan euro.
Xiddiga Faransiiska ayaa Atletico u saxiixay waqtigaas hishiis afar sannadood ah oo dhacaya 2026ka, balse qodob ku jira qandaraaskiisa ayaa ka yaabiyay taageerayaasha kaasoo ah lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa Atletico.
Sida ay sheegtay jariirada Faransiiska ee L’Equipe, Griezmann waxaa qandaraaskiisa Atletico lagu burburin karaa kaliya 15 milyan euro oo u dhiganta ku dhawaad 13 milyan ginni, inkastoo ay labo sannadood uga harsan tahay qandaraaskiisa.
Kooxo dhowr ah oo ka dhisan horyaalka Ingariiska ee Premier League ayaa la sheegayaa inay qiimeynayaan xaalada ciyaaryahanka iyo mustaqbalkiisa.
Waxaa sidoo kale xiiseynaya kooxo ka dhisan horyaalka Mareykanka ee MLS iyo horyaalka Sacuudiga ee Saudi Pro League.