Flop-ka kooxda Chelsea Mykhailo Mudryk ayaa ku sugnaa xalay garoonka Arsenal si uu u daawado naadigiisii hore ee Shakhtar Donetsk oo la ciyaaraysay Gunners.
Mudryk ayaa todobo sano ku qaatay kooxda reer Ukraine ee Shakhtar ka hor inta uusan dhameystirin heshiiskii weyn oo uu ugu biiray Chelsea 2023kii.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa sidoo kale xiiso weyn ka helayay kooxda Arsenal. waxaana la sheegay inuu dodoonaya u dhaqaaqista waqooyiga London ka hor inta aysan Chelsea afduuban.
Mudryk ayaa qalinka ku duugay heshiis sideed sano iyo bar ah ka dib markii Chelsea ay ogolaatay inay bixiso 70 milyan oo euros oo toos ah iyo 30 milyan oo dheeri ah taasoo wadarta ka dhigeysa 100 milyan.
23-sano jirkaan ayaa noqday mid ka mid ah saxiixyadii ugu qaalisanaa taariikhda Premier League markii uu ku biiray kooxda reer England, laakiin wuxuu ku guuldareystay inuu la qabsado Chesea, isagoo hadda xaalad xun ku qaadanaya galbeedka London.
Inta aysan bilaaban ciyaarta, kaamirooyinka ayaa soo qabtay xiddiga oo kusugan garoonka Arsenal, taageerayaasha Chelsea ayaa si deg deg ah uga falceliyay tagistiisii Emirates, iyagoo qaarkood ay xitaa si layaab leh usoo qoreen ” waligaa iska joog halkaas oo hasoo laaban”
Dhowr taageerayaasha Arsenal kamid ah ayaa taageeray go,aanka jamaahiirta Chelsea, mid kamid ah taageerayaasha Gunners ayaa soo qoray amaah lix bilood ah maku heli karnaa Janaayo?