Xiddiga kooxda Arsenal Kai Havertz ayaa saaxiibkiis Declan Rice u sheegay inuu halyey weyn ku noqon doono kooxda Gunners.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in Rice uu aad muhiim ugu yahay waqtigaan kooxda Mikel Arteta.
Ciyaaryahanaka khadka dhaxe ee Rice ayaa wacdaro dhigay tan iyo markii uu Gunners kaga soo biiray kooxda ka dhisan London ee West Ham United lacagta ugu qaalisan abid suuqa Arsenal.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa si joogta ah muhiim ugu ahaa kooxda Waqooyiga London ka dhisan ee uu hogaamiyo tababare Arteta.
“Declan aad buu muhiim noogu yahay,” Havertz ayaa yiri markii la weydiiyay shaqsiga ugu muhiimsan Arsenal ee ka caawin kara ku guuleysiga Premier League.
“Dhan walba oo ciyaarta ah, difaac iyo waliba dhanka weerarka ayuu ka qeyb galaa, way adag tahay in isaga oo kale la helo.
Waligiis ma xishoon, waligiis ma cabsan, si aad ah ayuu u hadlaa marka garoonka lagu jiro, isagu waa mid aan la rumeysan karin, sidoo kale waa da’ yar, waxaan rajeynayaa inuu noqon doono halyey weyn oo Arsenal ah.”ayuu yir Kai Havertz.