Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa sheegay inuu la dhacay dadaalka daafaca Nathan Ake ka dib guuldaradii 2-1 ee Premier League ka soo gaartay Bournemouth.
Antoine Semenyo ayaa u daah furay goolka Bournemouth, ka hor inta uusan Evanilson dhalin goolka labaad qeybta labaad ee ciyaarta.
Inkastoo Josko Gvardiol uu hal gool u soo celiyay kooxda Guardiola dhamaadkii kulanka, haddana Isagoo hadlayay ciyaarta ka dib, Guardiola wuxuu yiri:
“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay dadaalka cajiibka ah ee uu sameeyay Nathan Ake, saaka ayaan weydiiyay isaga dareenkiisa, “Waxa uu sheegay in uu doonayo in uu isku dayo inuu sameyeo wax badan. Waxa uu la dhibtoonayay xilli ciyaareedkan dhibaatooyin dhaawac ah, laakiin hadda wuxuu u muuqdaa inuu soo kabsaday.
Waxa uu intaa ku daray, “Kyle Walker, in 16 maalmood la tababaran kooxd “Manu Akanji ma uusan ciyaari karin kulankii Spurs wuxuuna sameeyay dadaal maanta.”waana uu ciyaaray.
Waan la dhacay dadaalkiisa, wuxuu sameeyay wax aan caadi aheyn, Guardiola ayaa u sheegay saxaafada kadib kulankii Bournemouth.
Nathan Ake waa mid kamid ah daafacyada boosaska badan ka.ciyaara ee kusugan Man City, layaa ayayse tahah sida uu u amaanay Guardiola xili uu joogo dhaliyihii gool ee Josko Gvardiol.