Pep Guardiola ayaa magacaabay xiddiga uu aaminsan yahay in uu yahay xiddiga ugu fiican Premier League kadib guushii ay Man City 3-1 kaga badisay Man United.
Marcus Rashford ayaa dhaliyay goolkii furitaanka ka hor inta uusan Phil Foden dhalin labo gool qeybtii labaad ee ciyaarta iyadoo Erling Haaland uu dhaliyay goolka seddexaad ee guusha xaqiijiyay.
Natiijadaan waxay keentay in City ay hal dhibic u soo jirsato kooxda hogaanka heysa ee Liverpool, iyadoo City ay soo gabagabeysay rikoodhkii Man United ee 143 kulan oo Premier League ah oo aan laga badinin iyadoo hogaanka ku hormartay.
Ciyaarta ka dib, Guardiola ayaa ku tilmaamay xiddigii garoonka Phil Foden inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican Premier League.
Tababaraha reer Spain ayaa u sheegay barnaamijka BBC’s Match of the Day: “Waa tirada kulamada ee uu ciyaarayo. Mar walba waxa uu ahaa ciyaaryahan tayo leh laakiin haatan waa mid qaangaadhay, islamarkaana si weyn u fahamsan ciyaarta, gaar ahaan difaacashada.
“Wuxuu ka ciyaari karaa dhexda, midigta, waxa uu ka soo xaroon karaa garabka, wuxuu ka ciyaari karaa bidixda, wuxuu goolal ka dhalin karaa bidixda. Maxaan kale oo aan ka sheegi karaa? Waa ciyaaryahanka ugu fiican Premier League waqti xaadirkaan marka loo eego waxyaabaha badan ee uu sameynayo. Waa wax aan la aamini karin.”