Cole Palmer ayaa jabiyay rekoor waqti dheer u yaalay kooxda Chelsea kadib markii uu dhaliyay goolki furitaanka ee kooxdiisa kulankii Fulham.
Daqiiqadii 16-aad, 22-sano jirkaan wuxuu ka dhaliyay Fulham gool kulankii garoonka Stamford Bridge, wuxuu ahaa goolkiisii 26-aad ee Premier League sanadkaan.
Tani waxa ay la macno tahay in uu jabiyay rikoorkii Jimmy Floyd Hasselbaink oo 25 gool dhaliyay kalandarka sanadka ee Premier League 2001.
Palmer wuxuu la siman yahay saaxiibkiisii hore ee Manchester City Erling Haaland, kaasoo dhaliyay 26 gool Premier League sanadkii 2023.
Xidigga heerka caalami ee dalka England ayaa sii waday awoodiisa cajiibka ah tan iyo markii uu City kaga soo dhaqaaqay Chelsea sanadkii hore 42.5 milyan.
Kaliya 64 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan kooxda ka dhisan galbeedka London, Palmer waxa uu dhaliyay 36 gool waxa uuna caawiyay 21 kale.
Ciyaartan ka dib, Palmer iyo Chelsea ayaa u safri doona isniinta Ipswich Town oo heerka labaad ka timid xili ciyaareedkaan kulanka labaad ee Boxing Day Premier League.