Ciyaartoygaii ugu horreeyey ayaa shaaciyey inuu iskaga tegayo Liverpool tan iyo intii ay Liverpool sida rasmiga ah ugu dhawaaqday in Arne Slot uu yahay tababaraheed cusub, iyadoo Axaddii ay kooxdu macasalaamaysay tababare Jurgen Klopp iyo labada ruug-caddaa ee Thiago Alcantara iyo Joel Matip.
Liverpool ayaa la filayaa inay isbeddello badan ku dhici doonaan xilli-ciyaareedka soo socda, waxaanay midda ugu weyn tahay in tababare Jurgen Klopp oo sagaalkii sannadood ee u dambeeyey macallin u ahaa laga waayi doono Anfield.
Sidoo kale, saddexda ciyaartoy ee Thiago Alcantara, Adrian iyo Joel Matip ayaa ka bixi doona liiska kooxda oo mar horeba xaqiijiyey tegistooda, hase yeeshee waxa haddana warkiisa caddeeyey goolhaye Coaimhim Kelleher oo ku wargeliyey maamulka kooxda inuu doonayo inuu iskaga tago Anfield.
Goolhayahan xulka qaranka Republic of Ireland oo 26 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah kusoo bilowday xilli-ciyaareedka hadda dhamaaday ee 203/24, ayaa waxa uu ahaa geesigii u qaaday koobka Carabao Cup bishii February oo ay 1-0 kaga badiyeen Chelsea ciyaartii finalka ee ka dhacday garoonka Wembley.
25 jirkan ayaa qandaraaskiisa Liverpool waxa uu soconayaa illaa sannadka 2026, waxaana ay wararku sheegayaan in Reds ay ogolaan doonto inay iibiso haddii ay hesho dalab dhan £20 milyan oo Gini.
Kelleher oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Ringmahon Rangers ayaa Liverpool kusoo biiray isaga oo ay da’diisu tahay 16 jir.