Micah Richards ayaa ku doodday in kabtannimada Arsenal ay martay meel qaldan markii loo dhiibay xiddiga khadka dhexe ee reer Norway ee Martin Odegaard, waxaana uu tababare Mikel Arteta u tilmaamay xiddiga ah hoggaamiyaha dhabta ah ee Gunners.
Arsenal oo Axaddii barbarro goolal la’aan ah lasoo gashay Machester City oo ay ku booqatay Etihad Stadiyum, ayaa waxa uu Micah Richards sheegay in hoggaamiyaha dhabta ah ee ay haystaan aanu ahayn kuwa loogu hadal-haynta badan yahay kooxdaas.
Dad badan ayaa rumaysan in Declan Rice uu yahay sirta ka dambaysa guulaha ay Arsenal gaadhaysay xilli-ciyaaredkan, isla markaana uu kusoo kordhiyey hoggaamin dabiici ah iyo bandhig ciyaareed dhamaystiran oo joogto ah.
Laakiin Micah Richards ayaa xasuusan in xilli-ciyaareedkii hore ay Arsenal hoggaanka u haysay Premier League 248 maalmood, balse ay is-dhiibeen oo ay guul-darrooyin la kulmeen dhamaadkii markii uu ka dhaawacmay difaaca reer France ee William Saliba.
23 jirkan oo noqday xiddigii garoonka ciyaartii Manchester City iyo Arsenal ee Axaddii, ayaa la isku raacsan yahay saamaynta weyn ee uu ku leeyahay kooxda, waxaana fikraddan sii xoojiyey Micah Richards oo tibaaxay inuu yahay hoggaamiyaha dhabta ah ee Gunners.
Micah Richards oo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi: “Marka aad fiiriso qaabka difaac ee William Saliba, waxa aad arkaysaa in Manchester City oo in badan haysatay kubaddu aanay awoodi karaynin inay gool ka dhaliso Arsenal.
“Waxa aan ammaan u jeedinayaa Gabriel Magalhaes, laakiin xiddigii garoonka oo ahaa Saliba waa hoggaamiyaha dhabta ah ee kooxda.”