Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa sheegay inuu ka helay shaqsiyadda xiddiga ka tirsan Real Madrid oo aan ahayn xiddigaha waaweyn ee ruug-caddaayada ah, kaas oo bandhig heersare ah ka samaynaya Santiago Bernabeu sidoo kalena muujiyey inuu yahay hoggaamiye.
Jose Mourinho ayaa amaan kula dul-dhacay xiddiga reer England ee Jude Bellingham oo ku tilmaamay ciyaartoy maskax ahaan qaan-gaadh ah isla markaana leh hibo hoggaamineed iyo tayo ka caawisay inuu saamayn degdeg ah ku yeesho kooxdiisa Real Madrid iyo horyaalka LaLiga intaba.
Mourinho oo waraysi siinayey wargeyska Mundo Deportivo ayaa yidhi: “Marka uu wiilkani gool ka dhaliyo Santiago Bernabeu waxa uu sameeyaa dabbaal-deg ah inuu gacmihiisa kala furo. Waxa uu muujiyaa dhaqankiisa fiican, ma sameeyo wax isla-weyni ah, waxa kaliya oo uu sheegaa inuu halkaas joogo.”
Special One oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey: “Wiilkani shaqsiyad fiican ayuu leeyahay.”
Inkasta oo uu Jose Mourinho sidan u amaanay Jude Bellingham, haddana waxa laacibka reer England dhowaan lagu riday ganaax laba ciyaarood ah oo uu ku mutaystay casaan la siiyey ciyaartii muranka dhalisay ee Valencia ee uu garsooruhu ka diiday gool uu dhaliyey taas oo siidhiga dhamaadka la yeedhiyey iyadoo kubaddu hawada kusii jirta.
Waxa ganaaxan uu ku seegay labadii ciyaarood ee Celta Vigo iyo Osasuna oo ay kooxdiisu guuleysatay, waxaase uu dib ugu soo laaban doonaa naadigiisa ciyaarta Athletic Bilbao ee kaddib ciyaaraha caalamiga ah, taas oo uu ganaax kaga maqnaan doono Vinicius Junior.