Mucjisada Brazil ee Estevao Willian ee caanka ku noqday naanaysta ah ‘Messinho’ ayaa magacaabay kooxda reer Yurub ee uu ku riyoonayo inuu mar uun u ciyaaro, iyadoo si weyn loola xidhiidhinayo kooxo waaweyn sida Real Madrid, Barcelona, Chelsea iyo Arsenal.
Kooxaha reer Yurub oo sannadihii ugu dambeeyey bartilmaameed ay u ahaayeen ciyaartoyda da’yarta ah ee kasoo baxa horyaalka Brazil oo ay kasoo qaateen xiddigo ay ka mid yihiin Gabriel Martinelli, Andrey Santos, Vinicius Junior, Endrich, Vitor Roque iyo kuwo kale, ayaa waxa hadda uu dagaal ku dhax-marayaa Estevao Willian oo loo yaqaano Messinho.
Sida uu ku warramayo wargeyska Mundo Deportivo ee kasoo baxa waddanka Brazil, laacibkan ayaa waxa dul taagan oo mashquuliyey kooxaha waaweyn ee Yurub, waxaana naadiyadii ugu dambeeyey ee la xidhiidha ka mid ahaa Chelsea, Manchester United iyo Arsenal.
Waxa kasii horreeyey oo kooxda Palmeiras ee uu u ciyaaro Estevao Willian isku dayay inay ku qanciyaan inay ka iibiyaan da’yarkan kooxaha ay ka mid yihiin Real Madrid, PSG iyo Bayern Munich oo dhamaantood doonaya 16 jirkan, iyadoo Real Madrid ay mar noqotay kooxda ugu cadcad sababtoo ah waxa ay la saxeexatay saaxiibkiisa Endrick ee ay u wada ciyaaraan Palmeiras oo ay u adeegsanayaan inuu ku qanciyo inuu kula biiro Santiago Bernabeu.
Si kastaba ha ahaatee, 16 jirkan ayaa sheegay in uu doonayo inuu raaco raadka ciyaartoydii uu aadka u daawan jiray ee Lionel Messi, Barcelona iyo Luis Suarez oo uu isaguna xidho shaadhka Barcelona.
Waraysi uu bixiyey oo lagu weydiiyey kooxda uu doonayo inuu ku biiro ayaa yidhi: “Riyadaydu waa in aan u ciyaaro Barcelona oo ka mid ah kooxaha ugu wanaagsa adduunyada. Waxa aan dhashay aniga oo daawanaya Neymar, Messi iyo Suarez oo u ciyaaraya Barcelona, waana marka ay bilaabantay riyadayda ah in aan u ciyaaro Barca.”