Tababaraha Manchester United, Rúben Amorim, ayaa dhawaan ka hadlay tartanka Europa League, isagoo carabka ku adkeeyay in kooxdiisu ay leedahay yoolal ka waaweyn hanashada koobkan xilli ciyaareedkan.
Amorim ayaa sheegay in inkastoo qaar ka mid ah taageerayaasha iyo falanqeeyayaasha ay u arkaan Europa League inuu yahay fursada kaliya ee United ugu guuleysan karto koob oo ay hadana ugu soo bixi karto Champions League.wuxuu sheegay in isaga iyo kooxdiisu ay diiradda saarayaan qorshayaal fog oo muhiim ah.
Amorim wuxuu yiri: “Dadku waxay u arkaan Europa League inuu yahay tartanka kaliya ee aan ku guuleysan karno, sidoo kale xiriirka uu la leeyahay u soo bixitaanka Champions League. Laakiin si daacad ah, waxaan u maleynayaa inaan heysano waxyaabo KA WEYN oo aan ka fikirno.” Wuxuu intaas ku daray: “Waan ogahay inay la yaab tahay in sidaas la yiraahdo, laakiin waa wax aan isku dayeyno inaan halkan ka dhisno, taas oo ka muhiimsan ku guuleysiga koob xilligan.”
Tan iyo markii uu qabtay xilka tababarenimo ee Manchester United bishii Nofeembar 2024, Amorim wuxuu diiradda saarayaa dhismaha koox adag oo leh mustaqbal fog. Isagoo caan ku ah horumarinta ciyaartoyda da’da yar, wuxuu doonayaa inuu hirgeliyo nidaam ciyaareed cusub oo guulo waara u horseeda kooxda.
In kasta oo Europa League uu yahay fursad lagu gaari karo guul degdeg ah, Amorim wuxuu aaminsan yahay in dhisidda aasaas adag ay tahay furaha guulaha mustaqbalka. Aragtidiisa ayaa ah in koox si wanaagsan loo habeeyay oo leh ciyaartoy tayo leh ay keeni karto guulo joogto ah, halkii la isku halleyn lahaa hal koob oo kaliya.
Taageerayaasha iyo falanqeeyayaasha ayaa ka aragti duwan hadallada Amorim, qaar ayaa taageeraya aragtidiisa fog, halka kuwa kale ay qabaan in guulaha degdegga ah ay muhiim u yihiin kalsoonida kooxda. Si kastaba ha ahaatee, Amorim wuxuu u muuqdaa mid go’aan adag ku gaadhay inuu raaco qorshihiisa, isagoo rajeynaya inuu Manchester United ku celiyo heerarkeeda ugu sarreeya mustaqbalka dhow.