Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa maanta uu ganaaxay Nottingham Forest oo afar dhibcood laga jaray, waxaase sidoo kale la sugayaa go’aamada kasoo bixi doona baadhitaannada ku socdas Manchester City iyo Chelsea.
Nottingham ayaa waxa ay hadda gashay khadka cas, iyadoo fursad weyn ay heshay Luton Town oo usoo dallacday kaalinta 17aad iyadoo hore ugu jirtay khadka cas.
Nottingham Forest ayaa waxa lagu helay inay jabisay sharciga dhaqaalaha oo ay 42 ciyaartoy la saxeexatay laba sannadood gudahood iyaga oo waliba kasoo dallacday heerka labaad oo aan lahayn dhaqaale, waxaanay hadda kasoo dhaceen kaalinta 17aad oo ay ku haysteen 25 dhibcood iyagoo usoo degay kaalinta 18aad oo ay ku haystaan 21 dhibcood, waxaana ay hal dhibic ka dambeeyaan Luton oo u dallacday kaalinta 17aad.
Kooxda tababare Nuno Espirito Santo ayaa waxa ay hadda halis badan ugu jirtaa inay u dhacdo heerka labaad, sababtoo ah waxa kusoo waajahan ciyaaro adag oo ay ka mid yihiin Tottenham, Manchester City, Chelsea iyo Everton oo iyaduna ka cararaysa heerka labaad.
Halkan kaga bogo afarta kooxood ee ugu hooseeya horyaalka Premier League iyo kulamada baaqiga u ah: