Garabka Arsenal, Bukayo Saka ayaa shaaca ka qaaday sababta uu rigoorada uu isaga lahaa ugu dhiibay kabtan Martin Odegaard, intii lagu guda jiray kulankii Gunners 5-2 kaga badiyeen West Ham.
Gunners ayaa ku hogaamineysay ciyaarta goolal ay ka heshay Gabriel Magalhaes iyo Leandro Trossard markii Saka lagu dhex jilaafay xerada ganaaxa West Ham.
23 jirkaan ayaa doortay inuu Odegaard u ogolaado inuu dhaliyo goolkiisii ugu horeeyay ee xili ciyaareedkaan.
Saka waxa uu qaatay rigooradii labaad ee la dhigay kooxdiisa ka hor qeybta nasashada isagoo dhaliyay goolka shanaad ee Arsenal.
Markii wax laga waydiiyay sababta uu rigoorada u tuuri waayay, Saka ayaa ku jawaabay: “Odegaard waxa uu doonayay in uu rigoorada tuuro… aad ayaan ugu faraxsanahay in aan kubada siiyo isaga oo aan dareemo waxa uu doonayay.
Had iyo jeer wuxuu isiiyaa kubadda ugu fudud ee aan gool ku dhalin karo, sidaas darteed xiriir wanaagsan ayaan leenahay aniga iyo isaga oo ah kabtankeyga “ayuu yiri Saka.
Martin waa ciyaaryahan sare, si fiican ayuu u ciyaarayay tan iyo markii uu soo laabtay.”wax badan ayuu u qalmaa isaga “Saka ayaa yiri.